274813104 153557760391416 2808108388365167073 n 780x470 1 - Wardeeq news

Magaalada- Beledweyne oo ah deegan doorashada Labaad ee Maamulka Hirshabeelle waxaa haatan ka socata doorashada qaar ka mid ah kuraasta Aqalka Hoose ee Baarlamaanka 11-aad, Inkastoo Guddiga Doorashada Maamulkaas ay qabteen maanta doorashada 6-Kursi waloow la doortay afar ka mid ah kuwaas.

Kursiga 1-aad ee la qabtay doorashadiisa waxaa uu ahaa Kursiga HOP#032, waxaana ku tartamayay musharixiinta kala ah, Musharax Xildhibaan ahna Wasiirka Ganacsiga Xukuumadda RW Rooble Khalif Cabdi Cumar iyo Musharax Xildhibaan Axmed cumar Gureey.

Waxaana doorashada kursigaas markale ku guuleystay Wasiir Khalif Cabdi cumar, Isagoo helay codad gaaraya 81-cod, halka musharaxii la tartamayay Axmed cumar Gureey uu heley 10-cod, Iyadoo uu halaabay 7-cod.

Sidoo kale, Kursiga 2-aad oo doorashadiisa lagu qabtay Beledweyne ayaa ahaa Kursiga HOP#068, waxaana doorashadiisa ku guuleystay Musharax Xildhibaan ahna Afhayeenka XS Maxamed Ibraahim Macalimuu,inkastoo Guddiga Doorashada Hirshabeelle aysan shaacin musharaxii la tartamayay iyo cododkii uu ku guuleystay Afhayeenka.

Kursiga 3-aad oo isna ahaa Kursiga HOP#022, Waxaa doorashadiisa ku guuleystay sida Guddiga ay shaaciyeen Musharax Cismaan Maxamed Cabdi ( Daalo ), kadib markii ay tanaasushay Musharax Faadumo Maxamed Cabdulle oo la tartami lahayd.

Sidoo kale, Kursiga HOP#033 oo ah kan 4-aad ee lagu doortay Beledweyne waxaa ku soo baxay Maxamuud Cabdiraxmaan Beene Beene, kadib markii hanaan gacan taag ah  uu ugu guuleystay kursigaas, Iyadoo oo u tanaasulay Musharax Aadan Qaasim Maxamuud.

Verified by MonsterInsights