Dowladda Masar ayaa soo saartay amar ay uga digeyso muwaadiniinteeda inay u safraan Somaliland; xilli dhawaan ay Somaliland xirtay Maktabaddii Masaarida ee Hargeysa. Masar ayaa waxay ugu

baaqday kuwa hadda ku sugan gudaha Somaliland inay uga baxaan sida ugu dhaqsiyaha badan, iyaga oo adeegsanaya garoonka diyaradaha ee magaalada Hargeysa. Safaaraddda Masar ee

Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay in tallaabadan la qaaday, iyada oo la eegayo saamaynta nabad-gelyo la’aanta ay ku leedahay ammaankooda, xilli ay xiisadda labada dhinac kasii dartay kadib heshiiskii Muqdisho iyo Qaahira. “Xaaladda ammaan

ee hadda jirta ayaa xadideysa awoodda howlihii qunsuliyadeed ee loo fidin lahaa Masaarida ku sugan Somaliland,” ayey tiri safaaradda Soomaaliya. Sidoo kale waxay safaaradda ugu baaqday muwaadinteeda doonaya inay u kala gooshaan gobollada Soomaaliya inay sibuuxda

Verified by MonsterInsights