53729699548 e8c5ff9159 6k - Wardeeq news

Wakiika gaarka ah ee Qaramada Midoobayu qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Marwo Catriona Laing ayaa qaaday tallaabo culus oo la xiriirta khilaafka u dhexeeya dowladda dhexe iyo Puntland kadib booqasho ay ku tegtay Garoowe.

Catriona Laing ayaa la kulantay madaxweyne Saciid Deni, ayada oo kala hadashay sidii uu u furi lahaa wada-hadal uu la galo dowladda, si xal looga gaaro khilaafka dhexdooda ah.

Inta uu kulanka socday ayaa waxaa sidoo kale la’isla soo hadal qaaday arrinta dastuurka oo ah midda dhalisay xiisada u dhexeysa labada dhinac, kana carootay Puntland.

“Iyada oo sii wadda kulamada sagootinta ah oo ay la qaadaneysay madaxda Soomaaliyeed, ayey Ergayga Gaarka ee Qaramada Midoobay Catriona Laing maanta booqatay Garoowe, halkaas oo ay kula kulantay Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Deni iyo golahiisa wasiirada, iyagoo ka wadahadlay taageerada Qaramada Midoobay ee dhinaca horumarka iyo baahida loo qabo wada-hadal loo dhan yahay oo dhex mara DFS iyo Puntland oo ku aaddan hannaanka dastuurka Soomaaliya ee hadda socda” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay UNSOM.

“Annigana dabcan, waxaan u soo jeediyay kaalinta ‘xafiisyada wanaagsan’ ee QM si ay arrintaasi ugu taageeraan,” ayay hadalkeeda ku dartey Ms. Laing.

Dhinaca kale waxay Puntland iyo QM ka wada-hadleen arrimaha hortabinta leh oo ay ugu horreeyaan qorshayaasha horumarinta iyo sidii looga wada shaqey lahaa labada dhinac.

“Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa Madaxweyne Deni oo waqti ina siiyay isagoo shir kale lahaa – Maanta wuxuu kulankiisii ugu horeeyay la yeelanayaa golahiisii wasiirada ee cusub kaas oo ay kaga wada hadlayaan qorshayaasha horumarinta iyo sidii ay horey ugu sii wadi lahaayeen” ayay tiri Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya Catriona Laing.

Waxaa kale oo ay raacisay “Mowduucaasi wuxuu ka mid ahaa mowduucyadii aynu ka wada hadalnay,” ayay tiri iyadoo hadlkeeda sii wadata “iyo [sidoo kale] kaalinta ay QM ka qaadan doonto taageeridda tiirarka kala duwan ee qorshahooda horumarinta – waxaan ku faraxsanahay in aan sheego in uu hammi sare u hayo hawshaasi.”

Si kastaba, Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa shaqadeeda soo gebogeboobeyn doonta goor dambe oo bishan Maajo dhexdeeda ah, waxayna maalmahan dambe kulamo macaslaameyn ah la yeelanaysay hoggaamiyeyaasha Dowlad-goboleedyada Soomaaliya, iyo sidoo kale madaxda ugu sarreysa ee dowladda Soomaaliya.

Verified by MonsterInsights