Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntuland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer wareegto Madaxweyne Lr. 001 ee 13-ka January 2022, kuna saabsan magacaabid Guddoomiyaha Gobolka Bari.
Waxayna U Dhigneed Wareegtada Sida Tan:-
Madaxweynaha Dowladda Puntland
Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad.
Markuu la tashaday : Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland.
Marku arkay : Tallo soojeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha
Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo-aragnimadiisa shaqo.
Wuxuu xeeriyey:
Waxaa Cabdirisaaq Cali Siciid loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Bari
*Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay, Wabillaahi TowfiiQ.