441871094 411113445229133 1449629805909092232 n - Wardeeq news

Hanad Cabdiraxmaan Maxamed oo loo yaqaan Waa-Gariiray oo shalay kasoo muuqday maxkamadda gobolka Banaadir ayaa waxaa ka dhalatay fal-celin xooggan.

Ninkan oo shalay maxkamadda u fariisatay dhagaysiga garmaqalka kiis dacwadeed uu eedeysane ka yahay, ayaa waxaa loo haystaa faafinta muuqaalo iyo sawirro khilaafsan dhaqanka suuban ee bulshada Soomaaliyeed.

Xafiiska Xeer-ilaalinta ayaa soo bandhigay muuqaalo iyo sawirro uu baraha bulshada ku faafiyay ninkaan, ayada oo Waa-Gariiray ku eedeysay in waxyaabaha uu baahiyey ay kasoo hor jeedaan dhaqanka suuban ee bulshada Soomaaliyeed.

Waa-Gariiray waxaa toddobaadyo ka hor soo xiray booliska Soomaaliya, ayaa waxaa maalmihii lasoo dhaafay ku socday baaritaano culus oo ku saabsan dhaqankiisa.

Kiiska ninkaan iyo kasoo muuqashadiisa maxkamadda ayaa hadal-heyn badan ka abuuray baraha bulshada, ayada oo dadka qaar ay soo jeediyeen in xukun adag lagu rido si ay tusaale ugu noqoto kuwa lamidka ah ee caadeystay anshax xumada.

Maxamed Shiikh Cabdulle: “Howl badan ayaa u taalla wasaaradaha diinta iyo warbaahinta, dadka in la soo xero u baahan wey badan yihiin.”

“Ninkaan mudo dheer ayuu fasahadinaayay dadka, xukun dheer ha lagu rido haddii kale kuwo kale ayaa soo baxaayo,” ayuu yiri Khaalid Hurre.

Cabdiraxmaan Cabdi ayaa waxa uu yiri “Alxamudulilah dowladnimo Soomaaliyed ayaa so muuqatay!. Wixii diinta, dhaqanka Islaamka iyo dhaqanka Soomaaliyed ku xad-gudbaya ha la maxkamadeyo.”

Bilan Cabdilahi ayaa sidoo kale waxay tiri “Waligay nin ka dhaqan xun maan arag.”

Nuur Cabdule Logaab ayaa isna waxa uu yiri “Dowlada dadka iyo dalka ayadaa ka masuul ah waxkasta oo dhaqan xumo ah waa in laga hor tagaa mar walba.”

“War meesha ha lagu haayo hadda ayuu nin u ekaaday!,” ayay tiri Ifraax Cabdikariin Cusmaan.

Axmed Faarax Shiil: Waar ninkii waa-gariire waxbaa ku dhacay.”

Luul Cabdiraxmaan ayaa sidoo kale iyadna tiri “Waa in la xukumaa oo la eedsiiyaa dhaqan xumadii uu umada ku dhex faafinayey.

Si kastaba, Booliska Soomaaliya ayaa wixii ka dambeeyey markii Waa-Gariiray la soo xiray wuxuu sidoo kale soo xiray inta badan dhalinyaradii baraha bulshada ka waday ‘qabyaaladda, dhaqan xumada iyo aflagaadada.’

Sida ay xubno ka tirsan garsoorka Soomaaliya u sheegeen wsm maxkamadeynta Waa-gariiray ayaa bilow u ah maxkamadeynta xubno caan ka ahaa baraha bulshada, balse hadda loo heysto waxyaabihii ay baahin jireen.

Verified by MonsterInsights