Guddiga maamulka doorashada heer dowlad goboleed Ee Puntland ayaa maanta shaaciyay odayaasha iyo bulshada rayidka ee soo xulaya shan kamid ah kuraasta golaha shacabka ee doorashadooda ka dhaceyso magaalada Garawe.
Odayaasha iyo bulshada rayidka ee magacyadooda lasoo bandhigay ayaana lagu wadaa in ay soo xulaan ergada dooraneysa shantan kursi oo horey guddiga doorashada u shaaciyeen in dhawaan lagu dooranayo Caasimadda Puntland.
Halkan hoose ka akhriso wixii faah faahin ah.