Qarax Askar Badan Looga Dilay Kenya Oo Ka Dhacay Laamu

0
75

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Weerar qarax ah oo lala beegsaday ciidamo ka tirsan kenya xili ay socdaal ku marayeenMagaalada  laamu Ee gobolka Waqooyi Bari kenya

Waxaana wararku ay sheegayaan in qaraxaan uu geeystay qasaare kala duwan oo iskugu jira dhimasho iyo dhaawac

Al-shabaab ayaa sheegtay masuuliyada weerarkaan qaraxa ah oo ay sheegeen in ay ku dileen saraakiil iyo ciidamo ka tirsan kuwa kenya

Wararka al-shbaab ay ku baahiyaan dhinaca intarneetka waxa ay ku sheegteen un Ugu yaraan 15 askari oo ka tirsanaa ciidamada millatariga dowladda Kenya ay ku dileen qarax xooggan oo ay ka fuliyeen deegaano ka tirsan  Laamu oo ka mid ah gobollada sida aadka ah ammaankooda loo sugo.

Qaraxa oo ahaa mid aad u xooggan wax ay al-shabaab la beegsadeen kolonyo ciidamo Kenyahan ah oo ku socdaalayay inta u dhaxaysa deegaannada Kayunga iyo Shangani oo ka tirsan Magaalada Laamu waxaa shabaabku sheegeen in qaraxa si gaar ah u haleelay gaari BG ah oo ay ka buuxeen ciidamo ka tirsan kuwa difaaca dowladda Kenya

sidookale warka kasoo baxay al-shabaab ayaa lagu sheegay in dhaawacyada ciidamada dowladda Kenya qaarkood si aad ah looga dayrinayo kuwaas oo loola cararay cisbitaallada dowladda ee magaalada  Laamu si halkaas loogu dabiibo intii ka badbaaday qaraxa.

Ciidamada kenya ayaa sidaan oo kale weeraro qaraxyo ah oo dhaba gal ah waxa u la beegsaday dagaalamayaasha al-shabaab

Wardeeq news

Please enter your comment!
Please enter your name here