download 11 - Wardeeq news

Faah-Faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax ka dhacay Magaaladda Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Jugta qaraxa oo meelo kala duwan laga maqlay ayaa ka dhacday Xaafadda jamhuuriya Degmadda Kaaraan ee Gobolka Banaadir.

Qaraxa oo ahaa Miino dhulka lagu aasay ayaa lala eegtay Gaari dagaal ay leeyihiin Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in qaraxa lala beegsaday gaari uu la socday taliyaha saldhiga degmada Kaaraan Gaashaanle Salad Caraale.

Ilaa haatan lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxaan ka dhacay Magaaladda Muqdisho,iyo cid sheegatay.

Verified by MonsterInsights