Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax khasaare kala duwan geystay oo xalay ka dhacay duleedka degmada baraawe ee gobolka shabeelaha Hoose
Qaraxaan ayaa waxa ay wararku sheegayaan in lala beegsaday xero ciidan ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan maamulka koonfur galbeed
Wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxaan ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen ilaa iyo 7 qofood oo xerada ciidan ku sugnaa
Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasada maamulka degmada baraawe oo wareysi gaar ah siiyay idaacada wardeeq ayaa waxa uu sheegay in qaraxa ka dhacay duleedka degmada aan ilaa iyo haatan la aqoonsan waxa uu ahaa islamarkaasna ay baaritaano ku socdaan
Guddoomiayaha ayaa xusay in qaraxaan uu qasaare geystay ,waxaana uu sheegay in ay ku dhawacmeen 5 ruux oo aysan aheyn wax dhimasho ah
isagoo hadalkiisa sii wata guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasada degamada baraawe ayaa waxa uu sheegay in amniga magaalada uu yahay mid wanaagsan oo laisku haleyn karo
waxaana uu sheegay in meesha hada qaraxu ka dhacay ay magaalada baraawe bananka ka tahay oo ay ka yara durugsantahay gudaha magaalada