Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax saacadihii lasoo dhaafay ciidamo ka tirsan kuwa Kenya lagula eegtay deegaan ka tirsan gobolka Xeebta ee Lamu.
Qaraxa oo ahaa mid xoogan, isla-markaana ahaa ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu haleelay mid ka mid ah kolonyo ay wateen ciidamada Kenya.
Al-Shabaab ayaa shaacisay inay qaraxaasi iyadu fulisay, kuna dishay illaa 10 askari oo Kenyaan ahaa, sida ay hadalka u dhigtay.
Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca laamaha ammaanka dowladda dalka Kenya oo ku aadan qaraxaasi.
Dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ka fuliya gudaha dalka Kenya, gaar ahaan deegaanada u dhow xadka Soomaaliya.