447969185 871849098319629 8413662945796219121 n - Wardeeq news

Waxaa heer gaba-gabo ah maraya qorshaha bixitaanka ATMIS ee maamulka HirShabelle, sida lagu shaaciyay bayaan kasoo baxay kulan dhacay Madaxtooyadda maamulka.

Danjire Mohamed El-Amine oo ay ku wehlinayeen kulankaas saaraakiil ATMIS ayaa xaqiiyey inay meel wanaagsan mareyso dhammeystirka ka bixitaanka ATMIS ee Hirshabelle.

Madax howl-galka Midowga Afrika ee ATMIS ayaa sidoo kale waxa uu tilmaamay inay soo dhawaatay waqtiga ay ciidamada wareejin lahaayeen goobaha ay ku sugan yihiin.

Cali Guudlaawe ayaa dhankiisa sheegay in maamulkiisa uu si dhow ula socda qorshaha ka bixitaanka ciidamada ATMIS, isaggoo xaqiijiyay inay diyaar u yihiin ammaanka goobaha ay ka baxaan ciidanka Midowga Afrika.”

Dowlad-goboleedka Hirshabelle waxa ay si dhow ula socotaa arrimaha ka bixitaanka ciidamada ATMIS. Waxaan diyaar u nahay xaqiijinta ammaanka goobaha ay faarujin doonnaan. Aad ayaan ugu mahad-celinayaa kaalintooda shaqo,” ayuu yiri madaxweyne Cali Guudlaawe.

Ugu dambeyntii madaxweynaha dowlad-goboleedka HirShabelle ayaa danjiraha kaga mahad-celiyay soo gaaritaankiisa magaalada Jowhar iyo magaallooyinka kale ee HirShabelle.

448050228 871848921652980 8337595294864877973 n - Wardeeq news448112535 871849038319635 7346592571360899094 n - Wardeeq news448165056 871849021652970 1858249934283972427 n - Wardeeq news448048588 871848961652976 8681165413594177779 n - Wardeeq news448346351 871849048319634 5475184180368544924 n - Wardeeq news447969185 871849098319629 8413662945796219121 n - Wardeeq news448103866 871849004986305 4760068888434956964 n - Wardeeq news447972993 871848974986308 2433526645866530934 n - Wardeeq news448377117 871848931652979 1747847021077956369 n - Wardeeq news

Verified by MonsterInsights