Xili Xalay Warkasoo baxay Guddigii baarayay kiiska ikraan tahaliil lagu bariyeelay qaarka mid ah Taliska ha,ada Nabad sugida qaranka oo si weyn loogu eedeenayay kiiskaan ayaa waxa warkaasi si aad ah uga soo horjeestay Qoyska Dhalay Ikraan Tahliil
Hooyo Qaali Maxamuud Guhaad Oo ah hooyada dhashay ikraan oo la hadashay idaacadda wardeeq ayaa waxa ay sheegay in aysan waxba ka jirin Natiijada ay soo saareen guddiga loo xilsaaray in ay baaritaan ku sameeyaan dadkii ka dambeeyay Kiiska ikraan tahaliil faarax oo aheyd sarkaalad ka tirsanayd Ha,ada nisa islamarkaasna lagu tuhmayo in isla Taliska Hay,adaas ay ka dambeeyeen dilkeeda
Maama qaali ayaa tilmaantay in aysan u muuqan Wax cadaalad ah iyo dad maxkamad la keenay balse arintaan ay tahay wax lasoo dhoodhoobay oo lagu duugayo Cadaalada Ikraan
Dhanka kale hooyada dhashay ikraan tahaliil ayaa eedeyn culus tusha uga tuurtay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay sheegtay in isagu uu ku hor gudban yahay calaada gabadheeda iyadoona intaasi ku dartay in awood sheegasho ay ka muuqato war qadaha lasoo saaray taasi oo ah mid lagu badbaadinayo dambiilayaashi ka dambeeyay dilka ikraan
Ikraan Tahliil Faarax oo ilaa iyo aan nolol iyo geeri toona lagu heyn ayaa waxa la aaminsanahay in ay dileen Taliskii Hore ee Ha,ada Nabad sugida iyo sirdoonka qaranka
Waxaana Xeer Ilaaliyaha Guud ee Ciidanka Qalabka Sida Cabdullaahi buulo kameey uu sheegay in wax dambi ah aan lagu heyn taliska Hay’adda Nisa