Imra - Wardeeq news

Ra’iisul Wasaarihii dalka Pakistan Cimran Khan ayaa lumiyey codka kalsoonida, kadib baarlamaanka dalkaasi cod aqblabiyad ah xilkii ayey kaga qaadeen.[the_ad id=”10472″]

Arrintan ayaa timi kaddib markii ay mooshin ka dhan ah Cimran khan ay soo dhigeen xisbiyada mucaaradka.[the_ad_placement id=”ads”]

Baarlamaanka dalkaas ayaa looga fadhiyaa in ay maalmaha soo aaddan Ra’isal Wasaare cusub degdeg u soo magacabaan.

Waxayna Isniinta yeelanayaan kulan degdeg ah si ay u doortaan Ra’isal Wasaarihi baddali lahaa Cimraan Khaan oo codka kalsoonida ka waayey baarlamaanka.

Dadka falanqeeya siyaasadda Pakistan waxay sheegeen shaqsiga badali karo Cimraan Khaan inuu ka imanayo hoggaamiyaha xisbiga Mucaaradka, uuna noqon karo Shehbaz Shariif oo ay walaalo yihiin Ra’isal wasaarihi hore ee dalkaas Newaz Shariif.

Daqiiqado ka hor inta aysan codbixintu bilaaban, afhayeenka aqalka hoose ee baarlamaanka Pakistan – oo xulafo la ah Mr Khan – ayaa ku dhawaaqay inuu xilka iska casilayo.

Verified by MonsterInsights