Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay Guddodomiyaha Aqalka Sare ee BFS Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed.
Kulankan ayaa looga Arrinsanayay u diyaar garowga doorashada xildhibaannada Aqalka Sare ee Gobollada Woqooyi (Somaliland) iyo in sida ugu dhaqsiyaha badan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha loogu soo gudbiyo liiska musharaxiinta Aqalka Sare.
dhinaca kale waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Dalka Mudane Baashe Yuusuf Axmed.
kulankaan ayaa waxa uu kusoo aadayaa xili todobaadka soo socda la filayo in ay dhacdo doorashada aqalka sare ee xubnaha gobolada waqooyi
iyadoona hada ay socdaan dadaaladii ugu dambeeyay ee lagu soo saarayo liiska musharaxiinta gobolada waq