Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam.
Waxayna madaxdu ka wada hadleeb qabanqaabada shirka golaha wadatashiga qaran iyo dardar gelinta doorashooyinka Soomaaliya oo dhawaan ka furmaya magaalada Muqdsiho.
Roble wuxuu madaxda Puntland iyo Jubbaland uga warbixiyey xaaladda dalka uu maraya iyo sidi doorashada looga mira dhalin lahaa.
Madaxda Galmudug, Puntland iyo Jubbaland ayaa ku sugan magaalada Muqdisho halka la sugayo madaxweynayaasha Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle.
Ra’isal wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhawaan ku baaqay iney madaxdu ka soo qaybgalaan shirka golaha wadatshiga qaran oo lagu qabanayo magaalada Muqdisho.