Raxweyn ma ahan Raxweyntii hore” – Guddoomiyaha Ururka Haweenka Baydhabo oo fariin adag diray

Raxweyn ma ahan Raxweyntii hore” – Guddoomiyaha Ururka Haweenka Baydhabo oo fariin adag diray

Guddoomiyaha Ururka Haweenka Degmada Baydhabo ayaa si kulul uga hadashay xaaladda siyaasadeed ee ka taagan Koonfur Galbeed, iyadoo sheegtay in bulshada Raxweyn ay maanta yihiin kuwo ka feejigan kana mideysan sidii hore.

 

Waxay tiri: “Raxweyn ma ahan Raxweyntii hore, maanta waa dad garanaya xuquuqdooda, difaacan kara danahooda, isla markaana aan ogolaan doonin in lagu takri-falo awoodooda.”

 

Guddoomiyuhu waxay si gaar ah u bogaadisay Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta-gareen, iyadoo ku tilmaantay geesi u taagan horumarka iyo difaaca shacabka reer Koonfur Galbeed.

 

Dhanka kale, waxay fariin toos ah u dirtay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo ugu baaqday in uu joojiyo waxa ay ku tilmaantay faragelin iyo qalalaase ka jira Koonfur Galbeed.

 

Waxay sheegtay: “Waxaan leenahay Madaxweyne Xasan Sheekh, Koonfur Galbeed ka daa qalalaasaha iyo faragelinta. Dadka deegaanka ha u madax bannaanaadaan masiirkooda.”

 

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Ururka Haweenka Baydhabo waxay xustay in haweenka Koonfur Galbeed ay door muuqda ka qaadan doonaan ilaalinta nabadda, midnimada iyo horumarka deegaanadooda.

Farxaan Yuusuf

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *