1645690636926 - Wardeeq news

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay inuu taleefoonka kula hadlay dhigiisa Ukraine Volodymyr Zelensky kuna wargeliyay in Mareykanka iyo dalalka kale ee isbaheysiga kala dhexeya ay qaadi doonaan tallaabooyin adag oo looga jawaabaya weerarka uu Ruushku ku qaaday Ukraine.

Biden ayaa weerarkaasi ku tilmaamay mid aan cudur daar lahayn.

Zelensky ” ayaa iga dalbaday inaan hoggaamiyayaasha dunida weydiisto inay si kulul uga hadlaan, garab istaagaanna shacabka Ukraine,” ayuu yiri Biden oo war qoraal ah soo saaray.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay inuu kulan la yeelan doono hogaamiyayaasha G7 maanta o Khamiis ah, isagoo ku hanjabay in cunaqabateyn adag la dul dhigi doono Ruushka.
Ra’iisal wasaaraha UK, Boris Johnson ayaa isugu yeeray golihiisa wasiirada kulan deg deg ah si ay uga arrinsadaan jawaabta ay UK ka bixin lahayd arrintan.

Wuxuu ku eedeeyay Putin inuu doortay waddada dhiiga iyo burburka, wuxuuna ku hanjabay in Putin uu la kulmi dono go’aan adag.

Verified by MonsterInsights