Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka, xilli ay socdaan diyaar-garow ballaaran oo la xiriira shir siyaasadeed oo muhiim ah.
Madaxweynaha Puntland iyo wafdigiisa ayaa Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde waxaa ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin hore, xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo xubno ka socday qeybaha kala duwan ee bulshada.
Ujeedka safarka Saciid Cabdullaahi Deni ee Muqdisho ayaa la xiriira ka qeyb galka shir weyn oo lagu wada balansan yahay inuu ka dhaco caasimadda, kaas oo ay isugu imanayaan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, madaxda dowlad-goboleedyada, gaar ahaan Jubbaland iyo Puntland, iyo sidoo kale siyaasiyiinta ku mideysan Madasha Mucaaradka.
Shirkan ayaa lagu wadaa in lagu gorfeeyo arrimo xasaasi ah oo quseeya mustaqbalka siyaasadeed ee dalka, khilaafaadka jira, hannaanka dowlad-dhiska, Dastuurka, doorashooyinka iyo amniga guud ee dalka, iyadoo la filayo in dood adag iyo is-afgarad siyaasadeed ay ka soo baxaan.
Imaatinka Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa imaanaya kadib markii daqiiqado ka hor Magaalada Muqdisho uu soo gaaray Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), kaas oo isna ka mid noqon doona hoggaamiyeyaasha ka qeyb galaya shirkaasi.

