Aasaasaha iyo madaxii hore ee xafiiska siyaasadda ee Daalibaan, Sayed Muhammad Tayyab Agha, ayaa ku boorriyay kooxda hubaysan inay ka qayb -qaataan dad ka soo jeeda qowmiyado kala duwan marka la dhisayo dowlad cusub, maalmo kadib markii kooxda Afgaanistaan ay sheegtay in dhismaha dowlad cusub ay marayso heerkii ugu dambeeyay. .
Agha ayaa sidoo kale sheegay in kooxdu ay tahay inay ku darto dhalinyarada, gaar ahaan, xitaa haddii ay la shaqeeyeen dowladdii hore ee Mareykanka taageeray