Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo xusaya sannad-guurada 62-aad ee xornimada iyo midnimada dalka, ayaa ubax dhigey taalada Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha oo ay wehliyeen Madaxda goleyaasha dowladda, ayaa ubax-dhigga kaddib waxa uu ugu hambalyeeyey shacabka Soomaaliyeed maalinta midnimada iyo xornimada, isagoo ugu baaqay in ay ilaashadaan qarannimadooda, xoojiyaanna midnmadooda bulsho.
“Waxaan mar kale hambalyo ku aaddan munaasabadda 1-da Luulyo u diraya dhammaan shacabka Soomaaliyeed, meel kasta oo ay joogaan. Waxaa xaqiiq ah, in si aan horey ugu dhaqaaqno ay muhiim tahay in aan gacmaha is qabsano oo qabano shaqo qaran oo adag, taas oo horseedi doonta in aan dalkeenna horumarinno, dunidana wax la qeybsanno”.