IMG 00541B FECA35 FEFCE5 C7F692 F54EAE 69CC51 696x464 1 - Wardeeq news

Al-shabaab ayaa soo bandhigay wariyihii TV-ga koonfurgalbeed Soomaaliya ugasoo warramayey degmada Diinsoor ee Gobolka Baay.

Wariyahaan oo magaciisa lagu sheegay Xuseen Iimaan Cabdullaahi ayaa mudooyinkii dambe la weysanaa balse waxaa lagu soo bandhigay deeganadda Al-shabaab ay maamulaan.

Al-shabaab ayaa sheegay in Xuseen iyo saraakiil ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ay isku soo dhibeen Al-shabaab kadib markii ay gurmad ka waayeen dhanka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

“Maamulka degmada Diinsoor ayaa gebi ahaanba burburay islamarkaana ku kala firdhay magaalooyinka Soomaaliya, iyadoo guddoomiyihii degmadaas uu diyaarad gaar ah ka dalbaday Muqdisho sidaasna ku baxsaday,In badan oo ka mid ahaa shaqaalihii maamulka ee gacan saarka la lahaa ciidamada Itoobiya ayaa meel cidla ah looga dhaqaaqay, waxaana qeylo dhaan ay u dirsadeen Al-Shabaab ugu dambeyntii laga ogolaaday inay isa soo dhiibaan.”, ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Al-shabaab.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo loogu hadlaayo sheegashadda Shabaab ee ku aadan in ay gacanta ku hayaan wariyihii TV-ga koonfurgalbeed Soomaaliya ugasoo warramayey degmada Diinsoor ee Gobolka Baay.

Verified by MonsterInsights