Cali Dheere - Wardeeq news

afhayeenka kooxda Al-Shabaab, ayaa hanjabaad u soo jeediyey ganacsatada iyo bangiyada dalka kadib tallaabadii ay dowladda federaalka Soomaaliya qaaday. Dowladda ayaa dhawaan billowday ololaha lagu xakameynayo dhaqdhaqaaqyada maaliyadeed ee Al-Shabaab, waxaana dowladda ay isku dayeysaa inay jarto ilaha dhaqaalaha ee kooxda.

Cali Dheere ayaa uga digay ganacsatada iyo bangiyada inay la shaqeeyaan dowladda, isagoo ku hanjabay in cawaaqib xumo ay la kulmi doonaan hadii ay taageeraan ololeyaasha dowladda ee lagu wiiqayo Al-Shabaab. Hanjabaadan ayaa u muuqata mid kooxda ay isku dayayso inay ku cadaadiso dadka Soomaaliyeed ee ka ganacsada gudaha dalka, si aysan u taageerin tallaabooyinka dowladda ee lagula dagaalamayo ururka.

Verified by MonsterInsights