download 2 - Wardeeq news
Wararka ka imaanaya Gobolka Mudug, ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay shil gaari oo khasaaro geystay.
Inta la xaqiijiyay labo Askari ayaa ku dhaawacantay shil gaari, halka hal qof uu ku geeryooday, iyadoo mid ka mid ah gawaarida shilka galay uu la socday  Guddoomiyaha gobolka Mudug Axmed Xuseen Shire..
Guddoomiye Axmed Xuseen Shire oo ka hadlay shilka gaari ayaa sheegay in mid ka mid ah gawaarida Ciidamada ee shil galay uu la socday xili uu kusii jeeday deegaanka Bandiiradley ee G/Mudug.
Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa sheegay in mahad oo dhan Alle u sugnaatay islamarkaana khasaaraha ka dhashay gaari uu Alle u yasiray, isagoo Caafimaad iyo Soo Kabasho Deg Deg ah U Rajeeyay labada Askari  ee dhaawacu kasoo Gaaray Shilkaasi gaari ee ka dhacay Gobolka Mudug.
Verified by MonsterInsights