20220131 155030 - Wardeeq news

Xalay waxaa magaalada hargeysa ka dhacay kulan u dhaxeeyey siyaasi maxamud xaashi & wasiirka arimaha gudaha somalilnd maxamed kaahin axmed

ilo xogogaala oo kulanka diirrada ku hayey ayaa in xaqiijiyay in lagu heshiisiinayey siyaasi Maxamuud Xaashi iyo wasiirka arrimaha gudaha Maxamed kaahin oo hore isugu seegay arrimaha xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE isla markaana hirdan siyaasadeed uga dhaxeeyey dumaasha xisbiga KULMIYE,

Xogo hoose oo aan helay ayaa ii xaqiijiyay in lagu heshiisiiyey labada masuul isla markaana isku afgarteen wixii ay kala tirsanayeen oo ay u midoobaan xaaladda siyaasadeed ee dalka

Kulankan waxaa goobjoog ka ahaa ex wasiirkii hore jaamac Maxamuud cigaal guddoomiyaha Hay’adda qaxoontiga iyo barakacayaasha Cabdikariin Xinif
Baashe Cawil safiirkii hore ee dalka Kenya, Cali siciid raygal
Iyo wasiirka dastuurka somalilnd

waxay wararku tibaaxayaan in laysla qaatay midow siyaasadeed iyo in Maxamuud Xaashi kalka siyaasadeed ee KULMIYE loo baneeyo.

 

Verified by MonsterInsights