Skip to content
  • Privacy Policy
  • ABOUT US
  • Contact Us
Wardeeqnews

Wardeeqnews

Wardeeq 24TV

  • Wararka
  • Caalamka
  • Xulka wararka
  • Barnaamijyada
  • Diinta
  • Home
  • Xulka wararka
  • Wararka
  • Socdaalkii Muqdisho Ee Axmed Madoobe Oo Ku Dhammaaday Natiijo La’aan, Kuna Laabtay Kismaayo
Wararka
Wadahadalladii Oo Fashilmay: Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed Oo Shaaciyay Inuu Soo Afjaray Kulamadii uu La Yeeshay Xasan Sheekh Maxamuud
Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaaciyay inuu fashilmay wadahadaladii ay la lahaayeen Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kaddib markii ay sheegeen in wadaxaajoodkii uu ku soo dhammaaday natiijo la’aan.   War-saxaafadeed muddo la sugayay oo ay soo saareen Golaha ayaa lagu sheegay in la isku mari waayay qodobo asaasi ah oo la...
  • Wararka

Socdaalkii Muqdisho Ee Axmed Madoobe Oo Ku Dhammaaday Natiijo La’aan, Kuna Laabtay Kismaayo

Farxaan Yuusuf33 minutes ago26 minutes ago02 mins

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam Madoobe, ayaa maanta ka ambabaxay magaalada Muqdisho kadib muddo laba toddobaad ah oo uu ku sugnaa hoteel ku yaalla gudaha xerada Xalane, wuxuuna dib ugu laabtay magaalada Kismaayo.

 

Axmed Madoobe ayaa ka mid ahaa xubnihii Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ee wada-hadalladii burburay la galay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

 

Wadahadalladaas ayaa lagu doonayay in xal looga gaaro khilaafka siyaasadeed ee ka taagan arrimaha dastuurka iyo doorashooyinka.

 

Wararka ayaa sheegaya in kulamadii u dhexeeyay labada dhinac ay fashilmeen kadib markii aan la isku raacin qodobada la isku mari waayay, isla markaana aysan muuqan tanaasul labada dhinac midkoodna.

 

Dowladda Federaalka ayaa ku adkeysatay in la dhammeystiro doorashooyinka goleyaasha deegaanka, gaar ahaan maamulada harsan sida Koofur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle.

 

Dhanka kale, xubnaha mucaaradka ayaa soo jeediyay in marka hore la qabto doorashooyinka maamuladaas, ka dibna laga wada hadlo doorashada heer federaal, si loo helo hannaan lagu wada qanacsan yahay.

 

Tagitaanka Axmed Madoobe ayaa loo arkaa mid muujinaya in dhinaca mucaaradka ay si rasmi ah uga baxeen wadahadalladii, inkastoo saacadihii la soo dhaafay xubno ka tirsan beesha caalamka ay dadaallo waan-waan ah ka dhex wadeen Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka, si loo badbaadiyo geeddi-socodka siyaasadeed ee dalka.

  • Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Muqdisho Ku Qabtay Kulan Salaan iyo Is-Xog Waraysi ah Ama: Madaxweynihii 9-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo Kulamo Muhiim ah Ku Yeeshay Muqdisho Ama: Farmaajo oo Muqdisho Ka Bilaabay Kulamo Is-Xog Waraysi iyo Is-Afgarad ah
  • Ukraine waxay qaban doontaa doorashooyin marka xaaladda amnigu saamaxdo oo keliya: Sarkaal sare
  • Deeq-bixiyaha ugu weyn ee Mareykanka oo aan caddayn mustaqbalka UNRWA, isagoo iska fogeynaya inay god madow gelin doonto: Madaxa hay’adda
  • Hal qof ayaa ku dhintay lix kalena way ku dhaawacmeen weerar cirka ah oo Ruushku ka geystay dekedda gobolka Odesa ee Ukraine: Ra’iisul Wasaare ku xigeenka

Tagged: Muqdisho

Post navigation

Previous: Shirkadaha diyaaradaha ee Mareykanka ayaa ka digaya joojinta laba barnaamij oo safar oo muhiim ah xilli DHS ay xireyso
Next: Wadahadalladii Oo Fashilmay: Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed Oo Shaaciyay Inuu Soo Afjaray Kulamadii uu La Yeeshay Xasan Sheekh Maxamuud

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Wararka maanta

Wadahadalladii Oo Fashilmay: Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed Oo Shaaciyay Inuu Soo Afjaray Kulamadii uu La Yeeshay Xasan Sheekh Maxamuud

Farxaan Yuusuf14 minutes ago 0

Heliwaa Oo Kacsan Maalinkii Labaad: Shacabka Oo Diidmo Xooggan Ka Muujiyay Dhul-Boobka La Xiriira Xasan Sheekh Maxamuud

Farxaan Yuusuf1 day ago 0

Villa Somalia oo Martigelinaysa Shir Muhiim ah oo u Dhexeeya Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed

Farxaan Yuusuf1 day ago 0
Verified by MonsterInsights