March 15, 2025

SoDMA oo gargaar gaarsiisay deegaanno ka tirsan Shabeellada dhexe

58 / 100

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) ayaa gargaar bani’aadannimo oo degdeg ah geysay degaannada Nuur-dugle iyo Aqab-duco.

 

Dadkan deeqda la gaarsiiyay ayaa ah shacab danyar ah oo ay saameeyeen dagaallada ka dhanka ah argagaxisada ee ka socda qaybo ka mid ah Hirshabeelle.

 

Hay’adda SoDMA ayaa horay deeq kala duwan u gaarsiisay degaanno badan oo laga saaray kooxda khawaarijta iyo goobo kale oo ay ka jiraan xaalado bini’aadannimo.