SoDMA oo shirka COP29 kusoo bandhigtay warbixin lagu qiimeeyay khadaarihii Elnino

0
4

Waxaa hoollka ay Bulshada Bariga Africa (East African Community EAC), ku leedahay xarunta uu ka socdo shirweynaha caalamiga ah ee COP29, ka qabsoomay munaasabad ay Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka SoDMA ku soo bandhigtay daraasad qiimeeeyn ah oo lagu ogaanayay baaxadda saameeynta khasaarahii iyo waxyeelladii ka dhalatay fatahaaddii El Niño ee dalka ku habsatay xilligii Deyrta 2023kii.IMG 20241119 WA0036 - Wardeeq news

Kadib markii la soo bandhigay warbixitaas, waxaa hadal jeedin muhiim ahayd munaasabadda halkaas ka jeediyay Gudoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, isagoo sheegay in ay muhiim tahay in loo tabaabusheeysto sidii dib loogu dhisi lahaa kaabayaashii dhaqaale ee ay fatahaaddu burburisay, sida buundada Baardheere, sidoo kale waxaa marti sharaftii halkaas ka hadashay ka mid ahaa Abassador Jamal oo ah Agaasimaha xarunta la qabsiga isbadalka cimilada ee urur goboleedka IGAD, waxaa kaloo halkaas ka hadlay la taliyaha wasiirka Wasaaradda qorsheeynta Maxamed Macalin Cumar.IMG 20241119 WA0038 - Wardeeq news

Ugu dambeeyntii, waxaa furmay dood ay ka qeebqaadanayaan dhamaan kasoo qeeybgalayaasha shirka kuwaas oo aad ugu dheeraaday falanqeeynta ah sida ugu fudud oo ay Soomaaliya ku heli lahayd taageero dhaqaale oo loo isticmaallo sidii dib loogu dhisii lahaa kaabayaasha ay burburisay fatahaadu.IMG 20241119 WA0039 - Wardeeq news

Wardeeq news

Please enter your comment!
Please enter your name here