Somaliland ayaa markii ugu horreysay ka hadashay heshiiskii ay Ankara ku gaareen madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, kaas oo meesha ka saaray is afgaradkii uu Muuse Biixi la saxiixday Abiy Axmed. Xisbiga haya talada Somaliland ee Wadani, ayaa ka hadlay waxyaabaha
mudnaanta u ah ee ay qabanayaan 100-ka maalmood ee u horreysa muddo xileedkooda iyo sida ay u kala horeysiinayaan qorshahooda waxqabad ka ah. Afhayeenka Xisbiga Wadani Maxamed Faraax Cabdi, oo la hadlay Idaacadda BBC ayaa sheegay in waxyaabaha ay mudnaanta siinayaan ay mid tahay
nabadeynta gobollada bariga ee deegaanada Somaliland, aafimaadka iyo dhismaha waddooyinka. Waxa kale oo uu ka hadlay aragtida xisbigooda ee ku aadan kulankii Ankara ku dhex maray Madaxweynaha Dawladda Federalka ee Soomaaliya Xsan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul