461699242 890309256531555 6768364148040436885 n - Wardeeq news

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta soo xiray Shirweynaha Caalamiga ah ee Beeraha Soomaaliyeed, kaas oo shalay ka furmay Muqdisho.

 

Shirweynaha oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Xukuumadda Soomaaliya, ayaa inta uu socday waxaa lagu lafa-guray sidii loo horumarin lahaa wax-soo-saarka beeraha dalka.

 

Waxaa sidoo kale lagu soo bandhigay fursadaha maalgashi ee dhinaca beeraha, kuwaas oo fursado ballaaran u horseedi kara kobaca dhaqaalaha dalka iyo horumarinta kaabayaasha muhiimka ah. Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka ayaa ku boorriyay ka qaybgalayaasha iyo maalgashadayaasha in ay xoogga saaraan horumarinta beeraha si loo xaqiijiyo isku filnaansho dhinaca cuntada iyo kor u qaadista dhaqaalaha Soomaaliya.

Verified by MonsterInsights