B3391FBD EDCB 4571 AA6E E1A274303E70 scaled 1 696x472 1 - Wardeeq news

Magaalada Torino ee dalka Talyaaniga, ayaa markii ugagu horreysay muddo dhan labaatan sano, waxaa golaheeda deegaanka kamid noqdey qof Soomaali ah, oo la yiraahdo Cabdullaahi Axmed Macalin, oo u tartamay, kuna guuleystay jagadan.

Cabdullaahi ayaa sheegay inuu ku dadaali doono sidii uu wax ugu qaban lahaa dadka soo galootiga, maadaama ay heystaan dhibaatooyin fara badan.

Wuxuu tilmaamey Cabdullaahi iney ka codsadeen inuu tartanka doorashada ka qeyb galo xisbiga uu katirsan yahay ee Dimuqraadiga, isagoo xusay in dadka soo galootiga iney u dhaxeyso kala qeyb sanaan weyn.

Cabdullaahi ayaa dalka Talyaaniga ku galey tahriib sanadkii 2008-dii, isagoo markii uu dhalashada dalkaasi qaatey, isku dayey inuu galo siyaasadda

Verified by MonsterInsights