M K - Wardeeq news

Xilli magaalada Ankara ee dalka Turkiga wada hadalo aan toos ahayn ay ku yeesheen wafdi uu hugaaminayo wasiirka arimaha dibadda Soomaalia iyo wafdi kale oo uu hogaaminayo wasiirka arimaha dibadda Itoobiya, wada hadalaas ay garwadeen ka ahayd dowladda Turkiga, loogana arrinsanayay  xal u raadinta khilaafkii ka dhashay heshiiskii is afgaradka ee ay Itoobiya la gashay Somaliland, ayaa waxaa walaac arrinkaasi ku saabsan war ka soo saartay wasaaradda arimaha dibadda ee Somaliland.

War qoraal ah oo lagu daabacay bogga wasaaradda arimaha dibadda Somaliland ayaa u qornaa sidaan.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda  Somaliland Dr. Ciise Kayd Maxamuud ayaa xafiiskiisa kula kulmay Qunsulka Guud ee Türkiga u fadhiya Somaliland Mr. Levent Çeri. Wasiirku waxa uu la wadaagay walaaca ay xukuumadda Somaliland ka qabto arrimo dhoor ah oo saamayn kara xidhiidhka Türkiga iyo Somaliland.

Kulanka oo kusoo dhammaaday is-afgarad ayaa waxa la isla qaatay in la sii xoojiyo xidhiidhka iyo wadashaqeynta Somaliland iyo Türkiga.

Verified by MonsterInsights