“Soomaaliya maanta ma joogto xilli la is riixriixo, la is colaadiyo, lana kala qeybsamo, dhammaanteen waxaa masuuliyad naga saaran tahay inaan dhawrno sharafta iyo dowladnimada dalkeenna” MADAXWEYNE FARMAAJO.

0
184

Madaxweyne Farmaajo Oo Caawa Khudbad Taariikhi Ah Jeediyey,  Waxayna U Dhignayd Sida Tan.

FB IMG 1641843971864 - Wardeeq news https://wardeeqnews.com/soomaaliya-maanta-ma-joogto-xilli-la-is-riixriixo-la-is-colaadiyo-lana-kala-qeybsamo-dhammaanteen-waxaa-masuuliyad-naga-saaran-tahay-inaan-dhawrno-sharafta-iyo-dowladnimada-dalkeenna-madaxweyn/ Wardeeq news "Soomaaliya maanta ma joogto xilli la is riixriixo, la is colaadiyo, lana kala qeybsamo, dhammaanteen waxaa masuuliyad naga saaran tahay inaan dhawrno sharafta iyo dowladnimada dalkeenna" MADAXWEYNE FARMAAJO.

“Shacabka Soomaaliyeed ee sharafta leh meel walba oo aad joogtaan

Assalaamu Calaykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuh,

Midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed waxa ay fure u yihiin jiritaankeenna iyo awooddeena Qarannimo. Taasi waxaa doorka ugu weyn ku leh dhallinyaradeenna oo ah aqlabiyadda ummadda Soomaaliyeed.

Baraaruga dhallinyarada Soomaaliyeed ee dhanka horumarka iyo dowladnimada waa midka nagu dhiirri-geliyey in aan ku aaminno hoggaaminta Hay’adaha kala duwan ee dowladda, iyo in ay kaalin mug leh ku yeeshaan dowlad dhisidda, nabadeynta iyo ilaalinta danta guud.

Waxaan idin ku boorrinayaa in aad dadaalkiinna sii joogteeysaan, kana fogaataan wax kasta oo caqabad ku noqon kara hiigsiga shacabka Soomaaliyeed iyo mustaqbalka dalkeenna, marxaladdan xasaasiga ahna aan uga gudubno midnimo, wadatashi iyo wax wada-qabsi”.

Wardeeq news

Please enter your comment!
Please enter your name here