Soomaaliya oo Safka Hore ka Gashay Dalalka ugu Kobaca Dadweynaha Adduunka – Abriil 15, 2026

Soomaaliya oo Safka Hore ka Gashay Dalalka ugu Kobaca Dadweynaha Adduunka – Abriil 15, 2026

Warbixin cusub oo laga diyaariyay tirada dadka caalamka ayaa muujisay in Soomaaliya ay sanadkan 2026 gaartay koror muuqda oo dhinaca dadweynaha ah, taas oo ka dhigtay mid ka mid ah dalalka ugu sareeya kororka bulshada.

 

Sida lagu sheegay xogta la soo saaray, tirada dadka Soomaaliyeed ayaa gaartay 20.3 milyan, iyadoo kororka sanadkan lagu qiyaasay 3.31%, taas oo Soomaaliya gelisay kaalinta 4aad ee dalalka ugu kobaca badan marka la eego tirada dadka dadka kunool qaaradda Afrika.

 

Waxaa ka horreeya dalalka kala ah Niger, Angola, iyo DRC (Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Kongo), kuwaas oo leh xawaare koritaan oo wax yar ka sarreeya ama la mid ah kan Soomaaliya.

 

​Si kastaba ha ahaatee, dhanka Heerka Dhalmada (oo ah inta carruur ah oo ay dhasho haweeney kasta), Soomaaliya waxay fadhidaa kaalinta 2-aad ee Afrika, waxaana ka horreeya oo kaliya dalka Niger. Marka la soo koobo, haddii laga hadlayo xawaaraha uu dalku ku kordhayo waa kaalinta 4-aad, laakiin haddii laga hadlayo tirada carruurta dhalanaysa waa kaalinta 2-aad.

 

Kororkan ayaa sidoo kale Soomaaliya ka caawiyay inay dhaafto dalal badan oo hore uga hormaray dhinacyada dhaqaalaha iyo siyaasadda, iyadoo hadda ay gashay kaalinta 66aad ee dalalka ugu dadka badan dunida.

 

Dhanka kale, warbixintu waxay tilmaamaysaa in Hindiya ay weli tahay dalka ugu dadka badan adduunka, iyadoo tirada dadka ay gaartay 1.476 bilyan, halka Shiinaha uu galay kaalinta labaad, dadkiisuna lagu qiyaasay 1.412 bilyan.

 

Khabiirada ayaa tilmaamaya in kororka degdegga ah ee dadka Soomaaliya uu fursad u noqon karo horumar dhaqaale iyo bulsho, haddii si wanaagsan loo maareeyo, balse sidoo kale uu keeni karo caqabado la xiriira adeegyada aasaasiga ah sida caafimaadka, waxbarashada, iyo shaqo abuurka.

Farxaan Yuusuf

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Verified by MonsterInsights