1647156549221 - Wardeeq news

Dawladda Sucuudiga ayaa fulisay dilkii ugu badnaa ee taariikhda cusub ee Boqortooyada hal mar la fuliyo, iyadoo qudha laga jaray 81 qof saacadihii lasoo dhaafay.

Sucuudiga ayaa dadkan sheegay in uu u laayay maadaama ay xidhiidh la lahaayeen kooxaha argagixisada, waxaana lagusoo oogay danbiyo kala duwan oo la xidhiidha argagixiso.

Dhammaan 81-ka oqf waa rag iyadoo 7 ka mid ahi ay ahaayeen Yamaniyiin halka uu ku jiray hal nin oo u dhashay dalka Suuriya.

Dunida gaar ahaan Reer Galbeedka ayaa inta badan cambaareeya dilalka ay fuliso dawladda Sucuudigu iyo qaabka ay u marto.

Verified by MonsterInsights