Guddoomiyihii hore ee duqa Muqdisho, Taabit Cabdi Maxamed oo qoraal soo saaray ayaa ka hadlay xiisadda u dhexeysa dowladda dhexe iyo qaar kamid ah maamulka goboleedyada daalka. Taabit ayaa soo dhaweeyay go’aanka
maamulka Jubbaland. Sidoo kale wuxuu ka digay muddo kororsiga ay ku howlan tahay dowladda federaalka, sidalka loo gaarsiiyo doorasho qof iyo cod ah. Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa sidatan. Dowladda Federaalka
haddii ay muddo kororsi sharcidarro oo ma dhammaato ah caadeysatay, waxay dowladdaha xubnaha ka ah dowladda federaalka xaq u leeyihiin inay doorasho qabtaan sida uu qabo dastuurka dowladdaha xubnaha ka ah dowladda federaalka. Waxaan soo dhaweynayaa go’aanka dowladda Jubbaland ee qabashada doorashooyinka si Waafaqsan dastuurka Jubbaland iyo magacaabista