Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u billowday dadaallo lagu dhisayo laguna tayeynayo Ciidanka Badda
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u billowday dadaallo lagu dhisayo laguna tayeynayo Ciidanka Badda Soomaaliyeed, iyadoo dowladda Turkey ay qaadanayso doorka tababarka iyo taageerada farsamo ee ciidamadaas. Qalabkii ugu horreeyay ee tababarka Ciidanka Badda ayaa dhawaan la keenay magaalada Muqdisho, taas oo astaan u ah bilowga qorshe ballaaran oo lagu xoojinayo awoodda badeed ee dalka. Maanta, Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Badda Turkey, Admiral Mustafa Kaya, ayaa soo gaaray Muqdisho, halkaas oo uu kula kulmay Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliyeed iyo Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Difaaca Soomaaliya. Kulankaas ayaa diiradda lagu…
