Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Soomaaliya ayaa si rasmi ah u magacowday Guddiga Farsamada ee Wada-hadalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Koonfur Galbeed Soomaaliya. Guddigan cusub ayaa la sheegay inuu ka kooban yahay 10 xubnood, kuwaas oo loo xilsaaray dardargelinta wada-hadallada iyo xalinta khilaafaadka siyaasadeed ee ka jira maamulkaasi. Magacaabistan ayaa imaaneysa […]
Maamulka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa ku dhawaaqay cafis ay u fidinayaan ciidamada tiro badan oo lagu diyaarinayo degmada Buurhakaba, iyagoo ugu baaqay inay ka fogaadaan dagaallada isla markaana aysan u dagaallamin waxa ay ku tilmaameen dano siyaasadeed. Afhayeenka Maamulka Koonfur Galbeed, Ugaas Xasan, oo shir jaraa’id qabtay, ayaa sheegay in ciidamadu ay mudnaanta […]
Maamul goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa ka digay in xaalad sii xumaanaysa oo ka taagan deegaankiisa ay halis u tahay in ay isu beddesho dagaal sokeeye iyo musiibo bani’aadamnimo oo baahsan. War-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa lagu sheegay in tallaabooyinka militari ee ay qaadday dowladda federaalka ay si toos ah u […]
Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed, Dr. Cali Saciid Fiqi, ayaa si adag uga digay tallaabooyinka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan in doorasho lagu qabto magaalada Barawe, isagoo sheegay in arrintani ay halis weyn ku tahay xasiloonida gobolka. Dr. Fiqi ayaa bartiisa X kusoo qoray qormo oo arintaan kaga hadlaayo, waxaana uu sheegay in Barawe […]
