maxresdefault 1 - Wardeeq news

Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Bare G/sare Cabdiqaadir Jaamac Dirir oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu digniin uu diray dhalin yaro uu sheegay in ay abaabulayaan falal amni daro ka dhaca  Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari

Taliyaha ayaa sheegay in ay tilaabo adag ay ka qaadi doonaan dhalin yarada dhaca ka geysta magaalada Boosaaso, islamarkaana xiliga habeenkii ah ay taleefoonada ka dhacaan dadka shacab ah ee aadaya salaada taraawiixda.

Waalidiinta ayaa waxaa uu ugu baaqay in ay la socdaan dhaq dhaqaaqa caruurta, islamarkaana ay la shaqeeyaan laamaha ammaanka ee Puntland.

Verified by MonsterInsights