Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed S/Guuto, Asad Cismaan Cabdullahi ayaa maanta shir gudoomiyay kulan gaar ah uu la qaatay saaxiibadda beesha caalamka ee daneeya arrimaha booliska. Kulankaan oo
ahaa mid muhiim ah ayaa waxaa goob joog ka ahaa masuuliyiin ka socotay wasaarada amniga gudaha iyo xqfiiska qaranka. Kulanka ayaa waxaa looga hadlay xoojinta taageerada deeq-bixiyaashu ay siiyaan ciidanka booliska Soomaaliyeed ee dhinacyada tababarida ciidanka, mashaariicda horumarineed iyo ka qeybqadashada dagaalka. S/Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa sheegay in xiligaan
oo lagu jiro dagaalka kooxaha argagixisada ah ay muhiim tahay in la helo ciidan boolis ah oo la wareega meelaha laga saaro argagixisada. Taliyaha ayaa sidoo kale wuxuu adkeeyay Muhiimadda ay leedahay taageerada beesha caalamka ee la xiriirta tayeynta dhismaha xarumaha ciidanka. Madaxdii ka socotay safaaradaha Mareykanka, Ingriska