Tallaabo Cusub: Laftagareen Oo Dhisay Guddi Doorasho Iyadoo Muran Siyaasadeed Jira

Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa ku dhawaaqay xubnaha Guddiga Doorashooyinka ee Dowlad-Goboleedkaas si loo dadejiyo doorasho iyada oo weli ay taagan tahay xiisadda siyaasadeed ee salkeedu tahay Doorashadu.
Guddi ka kooban 9 xubnood ayuu ku dhawaaqay Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen, waxaana lagu wadaa in maanta uu shiro guddigaas si uu usoosaaro habraaca Doorashada lagu wado in ay ka dhacdo Magaalada Baydhabo.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shalay sheegtay in la aadi doonno Doorasho Dadweyne isla markaana uu idlaaday Muddoo xileedka Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo kamid ah Xubnihii saxiixay Doorashadaas Dowladdu shaacisay in ay qabanayso.
Xiisad siyaasadeed oo u dhaxaysa Mas’uuliyiinta Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed iyo mucaaradka diidan ayaa ka taagan deegaanno katirsan Gobollada Baay, Bakool & Shabeelaha Hoose oo ka kooban dhismaha Maamulkaas.










