Ugu yaraan 49 qof oo u badan tahriibayaal iyo qaxooti ka yimid Bartamaha Ameerika ayaa ku dhintay kadib markii gaarigii ay la socdeen uu ku burburay gobolka Chiapas ee koonfurta dalka Mexico, sida ay saraakiishu sheegeen, shilkan oo ka mid ah shilalkii ugu xumaa ee dalkaasi ku dhaca sanadihii la soo dhaafay. . Shilka ayaa dhacay maalintii Khamiista markii gaari weyn uu ku rogmaday qalooc halis ah oo ka baxsan magaalada Tuxtla Gutierrez, ayuu yiri Luis Manuel Garcia, madaxa hay’adda ilaalinta rayidka Chiapas.