Xukuumadda Somaliland ayaa saaka xukun qisaas ah ku fulisay laba gacan ku dhiigle oo dhowaan lagu xukumay dil toogasho ah, kadib markii lagu helay dilal ka gaysteen deegaannada maamulkaasi.
Toogashada ayaa ka dhacday duleedka Xabsiga Mandheere, waxaana ragga la toogtay shalay dilkooda saxiixay madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cirro, iyada oo sidaasna lagu geeyay tiirka cadaaladda.
Labada nin ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Ex, Bol, Maxamuud Cali Nuur oo loo qisaasay Marxuum Ex. Gaashaanle Cabdi Cali Nuur oo ahaa taliyihii saldhigga booliska Maxamed Mooge, kana mid ahaa saraakiisha firfircoon ee Booliska Somaliland, isaga oo dilka u adeegsaday toorey.
Askariga dilka geystay ayaa waxaa taliyihiisa kala dhaxeeyay khilaaf hoose, isaga oo kaddib si gaadmo ah toorrey ugu dhuftay. Taliyaha ayaa markii dambe u geeriyooday dhaawac.
Sidoo kale gacan ku dhiiglaha labaad oo lagu magacaabo Saalax Isaaq Muxumed ayaa loo qisaasay dil uu u gaystay marxuum Ex.Ask.Pol A.le Buux Mawliid Ismaaciil oo ka tirsanaan jiray Ciidanka Nabad-gelyada Waddooyinka ee gobolka Gabiley.
Ehellada marxuuminta ayaa dhaweeyay qisaasta lagu fuliyay gacan ku dhiigleyaasha, madaama ay cadaaladda marsiisay xukuumadda Somaliland.
Horay Somaliland ayaa sidaan oo kale toogasho ugu fulisay dambiileyaal kala duwan oo dilal ka gaystay deegaanada maamulkaasi, waana arrin loogu bogaadiyay, maadaama lagu kala baxayo cadaaladda iyo go’aannada ay soo saaraan maxkamadaha.