Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ballan qaaday in uu taageero u fidin doono dowlad goboleedyada ay saameeyeen duufaannada waaweyn ee burburiyay guryaha, goobaha ganacsigana dhulka la simay ugu yaraan 100 qofna laga cabsi qabo in ay ku dhinteen. Isagoo ku sifeynaya duufaannada inay u badan tahay “mid ka mid ah kuwii ugu weynaa” ee dillaacay taariikhda, Biden wuxuu Sabtidii ansixiyay ku dhawaaqida musiibo degdeg ah gobolka ugu xun ee Kentucky, halkaas oo ugu yaraan 22 qof la xaqiijiyay.