UPDF Ee Soomaaliya Oo Wax Mushaar ah La Siin Muddo 10 Bilood Ah

0
180

Ciidamadda Uganda ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ayaa ka cabanaya in aysan helin wax mushaaraad ah 10-kii bilood aynu soo dhaafnay.

Kulan dhexmaray guddiga difaaca ee baarlamaanka iyo wasaaradda gaashaandhigga iyo askarta Uganda ee Soomaaliya Jooga ayaa lagu shaaciyay mushaar la’aanta ciidamadda AMISOM.

Jacob Oboth oo ah Wasiiru Dowlaha Difaaca ee Uganda oo ka soo hor muuqday Guddiga si ay u soo bandhigaan odoroska miisaaniyada sanad maaliyadeedka 2022/2023.

Xildhibaan Bukanga Stephen Kangwagye ayaa wasaaradda ka codsaday in ay caddeyso wararka sheegaya in ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (Amisom) aysan wax gunno ah qaadan muddo labo sano ah.

Dhanka kale ku-xigeenka xoghayaha wasaaradda gaashaandhigga Edith Buturo,ayaa dhankiisa beeniyay wararka ku aadan in ciidamadda AMISOM aysan helin wax mushaar ah 10-kii bilood aynu soo dhaafnay.

“Lacagta aan siino ciidamadeena waxaa na siiya Midowga Afrika-AU waxayna daba socotaa is faham gaar ah, qaab-dhismeedka sharci iyo qaab-dhismeedka miisaaniyadeed.”ayuu yiri ku-xigeenka xoghayaha wasaaradda gaashaandhigga Edith Buturo.

Wardeeq news

Please enter your comment!
Please enter your name here