Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa soo saartay waaran lagu soo xirayo madaxweymaha Jubbaland Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo 25-kii bishaan dib loogu doortay magaalada Kismaayo. Maxkamadda ayaa ku eedeysay Axmed Madoobe, Khiyaano Qaran, and Falal lid ku ah midnimada Qaranka Iyo xog u gudbin dal shisheeye. Sidoo kale Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa lagu fartay taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliya Jeneraal Asad Cabdullaahi Cismaan inuu soo xiro Axmed Madoobe, isla-markaana si deg deg ah u horgeeno maxkamadda.