Waxaan aniga iyo Wafdigii ila socday u diraynaa mahadcelin ballaaran Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Dalka Koofur Afrika gaar ahaan reer Joohaanisbeeg iyo Gudoomiye Mohamed Omar Talyaani soo dhawayntii diirranayd ee ay inoo sameeyaan taas oo ay ku dheehnayd Soomaalinimo.
Waxaan kaloo mahad ballaaran u dirayaa hawladeennada Safaaraddeenna Koofur Afrika oo uu ugu horeeyo Safiir Maxamed Shiikh.
Si gaar ah qabanqaabiyayaashii Safarkeenna iyo soo dhawaynteenna iyo bahda Warbaahinta.
Waxay noo ahayd fursad wayn oo aan wax badan ku kala faa’iidnay, waxaan rajaynayaa mustaqbalka dhaw in Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Dalalka kale iyo Gudaha Dalkaba aan isku heli doonno fursado nuucaan oo kala ah.
Markale waan u mahdadcelinayaa cid kasta oo gacan ka gaysatay safarkeennii guusha kusoo idlaaday.
Mahad oo dhan ALLAAH ayay u sugnaatay.