ITO 1200x630 1 - Wardeeq news

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta wafdi culus u dirtay dalka Turkiga, si uu uga qayb-galo wada-hadallo cusub oo u bilaabanayo dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya, isla markaana ay martigelineyso xukuumadda Ankara.

Wafdiga maanta u baxay Turkiga ayaa waxaa hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibadda, Mudane Axmed Macallin Fiqi, kaas oo ka qeyb-galayo wadahadallo cusub oo ay xiisadda taagan ka yeelanayaan Soomaaliya iyo Itoobiya, taas oo ka dhalatay heshiiskii badda.

Qoraal kooban oo lagu daabacay bogga Twitter-ka ee wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu xaqiijiyay in Turkiga uu dhexdhexaadinayo wada-hadaladan, balse lagu sheegin wax ajendi ah marka laga tego inay isugu tegayaan magaalada Ankara.

“Wasiirka arrimaha dibadda iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u safray caasimadda Ankara ee dalka Turkiga, oo ay uga qeyb-geli doonaan wada-hadallo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya oo ay dhex-dhexaadineyso dowladda Turkiga,” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Waxaa kale oo lasii raaciyay “Dowladda Federalka Soomaaliya waxaa ka go’an mabaadi’deeda adag ee ilaalinta midnimada dhuleed”.

Wararka kale oo madax bannaan ayaa sheegaya in ujeedka wada-hadalladan uu yahay in lagu soo afjaro xiisadda ka dhalatay is-afgaradka ay Itoobiya la gashay Somaliland ee lagu sheegay in ay ku aqoonsaneyso, ayada oo uga bedeleneysa dhul-badeed ay ka dhisato dekad iyo saldhig ciidan badeed.

Sidoo kale waxaa wada-hadalladan oo muddo ay ka taagnayd caqabad ayaa waxaa labada dal ogoleysiiyey dowladda Turkiga oo muddo bilo ah wadday dadaal ay isugu keeneyso Muqdisho iyo Addis-Ababa, waxaana jira warar sheegaya in sidoo kale ay dalal kale gadaal ka riixayaan, oo Mareykanka uu ka mid yahay.

Waxaa dhinaca Soomaaliya u matalaya wafdi uu horkacayo wasiirka arrimaha dibedda Axmed Macallin Fiqi, halka Itoobiya uu wakiil u yahay wasiirka arrimaha dibedda Taye Atske Selassiem kaas oo shalay gaaray Ankara.

Xogta wardeeq news ayaa sheegeysa in Itoobiya ay diyaar u tahay in ay ka laabato is-afgaradka Somaliland, halka Soomaaliya la filayo in ay Itoobiya u ogolaato in ay ka kireyso dekad ganacsi. Soomaaliya marna ma ogolaan doonto saldhig ciidan badeed.

Waxaan caddeyn habka loo maamuli doono dekaddaas. Itoobiya ayaa sida la sheegay dooneyso in ay dekaddaas ayada maamusho, balse weli ma cadda haddii ay Soomaaliya ogolaan doonto iyo in kale.Xogta ayaa sheegeysa in Itoobiya ay isha ku hayso dekadaha Baraawe iyo Hobyo midkood.

Verified by MonsterInsights