Al-shabaab ayaa war kasoo saaray Qaraxii ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay Magaaladda muqdisho.
Qaraxa oo uu fuliyay qof isku soo xirey waxyaabaha qarxa ayaa ka dhacay afaafka hore xerada Turkigu ku leeyahay Soomaaliya.
Sida lagu baahiyay warbaahinta Shabaab,qaraxa ayaa u dhacay sidii loo qorsheeyay,waxana khasaare lagu gaarsiiyay askar ka Tirsan Ciidamadda Dowladda Soomaliya.
Taliska ciidamada Al-Shabaab ayaa sheegay in ku dhawaad 20 ka tirsan oo ciidamada Soomaalida ah ee Turkigu tababaray ay halkaas ku dhinteen, dhaawac intaas ka badana uu jiro.
“Ciidamada lagu beegsaday qaraxan ayaa la sheegay inay ka mid ahaayeen ilaalada Soomaalida ee waardiyeeya xerada Turkiga ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo maalin waliba ilaalo ka qaban jiray goobta, kadibna isaga huleeli jiray goobta marka uu gabalku dhaco”, ayaa lagu yiri warka.
Dhanka kale Dowladda Soomaliya oo ka hadashay qaraxa ayaa sheegtay in ay ku dhinteen 4-ruux, 100-kalana ay ku dhaawacmeen.