Gaari dameer la gubay - Wardeeq news

agaalka  geystay khasaaro kala duwan ayaa waxaa uu ka dhacay duleedka degmada Waajid ee Gobolka Bakool, waxaana uu u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee ka howlgalla degaannada Maamulka Koonfur Galbeed iyo Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa waxaa uu yimid kadib markii ay Al-Shabaab sida la sheegay ay gubeen 7 Gaari Dameer oo Raashinka noocyadiisa kala duwan u waday degmada Xudur oo u go’doonsan Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Ururka 260 ee Guutada 9aad qeybta 60aad ayaa sheegay inay u gurmadeen dadka Gaari Dameerada laga gubay, isla markaana dagaal ka dhacay ay khasaaro xoogan ku gaarsiiyeen.

Dadka degmada qaarkood ayaa waxaa ay sheegeen in intii uu socday dagaalka siweyn looga dareemay degmada Waajid ee Gobolka Bakool.

Saraakiisha Ciidanka Ururka 260 ee Guutada 9aad qeybta 60aad ayaa soo bandhigay Sawirada 7 Gaari Dameer iyo Raashinkii ay wadeen oo qaarkood la gubay, balse ay soo badbaadiyeen Ciidamada dadkii waday Gaari Dameerada.

Verified by MonsterInsights