Dagaalamasha Al-Shabaab ayaa guulo ka sheegtay weerar qarax ah oo ay habeen ka hor ka fuliyeen Deegaan katirsan Degmada Beydhabo ee Xarunta Gobolka Bay
Wararka Al-Shabaab ay ku baahiyaan dhinaca intarneetka waxa ay ku sheegteen in ciidmada Dowlad Goboleed Koonfur Galbeed ay qasaaro xoogleg kubgaarsiiyeen weerar qarax ah oo ay la beegsadeen saldhig Ciidmada Koonfur Galbeed ku leeyihiin Deegaanka muun Albashar ee Magaalada Beydhabo
Warkasoo baxay Al-Shabaab waxa lagu sheegay in weerarkaan ay Ku dhaawaceen Talayaha Saldhiga Booliska deegaanka Kaasi oo lagu magacaabo Afeey
Waxaana ay intaasi ku dareen Burbur xoogan ay gaarsiiyeen saldhiga islamarkaasna uu qasaaruhu intaas ka badan yahay balse ay iyagu xaqiijiyn dhaawaca taliyaha
Weerarkaan ayaa kusoo aadaya xili Ciidmada Dowlad Goboleed Koonfur Galbeed ay howlgalo ka wadeen deegaano katirsan Degmada Beydhabo islamarkaasna ay sheegeen in amaanka lagu Xaqiijinayo